Kaa daaali maayo
Kuma deeyn karaayee
Daadihi jacaylkaa
Dumarkaad u wacantahay

Dayaxaad la nuur tahay
Xididada dareenkiyo
Dookheygii baa tahay

U dibjiray jacaylkee
Diirnaxa makugu yaal
Damqashana malleedahay

Kaa doorsan maayo
Kuma dayacaayee
Ila dooji xiisaha
Dabiibkeeygi baa tahay

Qalbigaad dawo u tahay
Xuural caynta dunidiyo
Dirir hooray baa tahay

U dibjiray jacaylkee
Diirnaxa makugu yaal
Damqashana malleedahay

Exit mobile version