Heesta Beri hore - Lyrics
Bari hore waxa jiray
Inan timaha bitoo
Baarkana u tididhoo
Boqorkiyo dhacla iyo
Maro bayla xidhatoo
2×
Waxa badalay kuwii hore
Bahala geeso dheerio
Ul madaxa saartoo
Suuqa baratamayee
2×
Naa biisay dhaqankii
Sharcigii ka baydhoo
Naa biisay dhaqankii
Sharcigii ka baydhoo
Diintii burburisee
Habloow ma is badh qabataan
2×
Boqol sano horteediyo
Bari hore wixii jiray
Ee la iska baal maray
Udulkii dibal qaba
Laga soo baqoolee
2×
Hadaad beratan ii curi
Bisha iyo cadceediyo
Beeshalaa horseednoo
Waanu beegsanaynaa
2×
Horta baro tacliintiyo
Buugiyo dhigaalkoo
Horta baro tacliintiyo
Buugiyo dhigaalkoo
Badawyohow dib ha u celin
Dadka soo baraarugay
2×
Bari hore waxa jiray
Ina baarax geeliyo
Faraskii baxdoodaba
Yarad looga bixiyaa
Buduuqana la raacshaa
2×
Waxa badalay kuwii hore
Isku booga badh maqanoo
Bahdii ay ka dhalatiyo
Qeybisay waanii
2×
Naa biisay dhaqankii
Sharcigii ka baydhoo
Naa biisay dhaqankii
Sharcigii ka baydhoo
Diintii burburisee
Habloow ma is badh qabataan
2×
Baarax geele iyo faras
Iyo boqon yaraha adhi
Hablihii lagu badali jiray
Diintaynu baraniyo
Ma banayn kitaabkuye
2×
Booli quudka yeeshii
Bixsan jiray haweenkiyo
Baxad soorihii tagay
Maanta looma baahnee
2×
Horta baro tacliintiyo
Buugiyo dhigaalkoo
Horta baro tacliintiyo
Buugiyo dhigaalkoo
Badawyohow dib ha u celin
Dadka soo baraarugay
2×