Hablaha soomaaliyeedee
Hirdoogliyo waa hilaac
Hidiyo dhaqankiibay sitaan
Hormoodkuna waa iyaga

Anigu hadalkooda iyo
Hanaankoodaan jecloo
Habeen iyo maalintuba
Qalbigu wuu haamoonayaa

Hawraarta idin idhee
Hawraarta idin idhee
Hamiga gali inaan ragoow
Hamiga gali inaan ragoow

Hawraarta idin idhee
Hawraarta idin idhee
Hamiga gali inaan ragoow
Hamiga gali inaan ragoow
Hamiga gali inaan ragoow
Hamiga gali inaan ragoow

Hablaha soomaaliyeedee
Hooyiyo waa ooride
Hanaan san haday helaan
Bulshaba iyagaa hayee

Anigu hadalkooda iyo
Hadaaqoodaan jecloo
Habeen iyo maalintuba
Qalbigu wuu haamoonayaa

Hawraarta idin idhee
Hawraarta idin idhee
Hamiga gali inaan ragoow
Hamiga gali inaan ragoow

Hawraarta idin idhee
Hawraarta idin idhee
Hamiga gali inaan ragoow
Hamiga gali inaan ragoow
Hamiga gali inaan ragoow
Hamiga gali inaan ragoow

Exit mobile version