Heesta Maankeyga - Lyrics
Miisaanka hadalkiyo
Miisaanka hadalkiyo
Maamuska garashada
Muunaa i deeqdayoo
Maamuska garashada
Muunaa i deeqdayoo
Mudantii haweenkaay
Marwo loo xushaad tahayee
Mudantii haweenkaay
Marwo loo xushaad tahayee
Mid kaloo jaleecoon
Mililco aduunyada
Mid kaloo jaleecoon
Mililco aduunyada
Ifka wali kumaan arag
Aduunba iigu mudanoo
Maankayga qaatee
Maankayga qaatee
Mid kaloo jaleecoon
Mililco aduunyada
Mid kaloo jaleecoon
Mililco aduunyada
Ifka wali kumaan arag
Aduunba iigu mudanoo
Maankayga qaatee
Maankayga qaatee
Maankayga qaatee
Maankayga qaatee
Madaadaalo sheekiyo
Madaadaalo sheekiyo
Miir iyo aqoonbuu
Mawlaheen ku siiyoo
Miir iyo aqoonbuu
Mawlaheen ku siiyoo
Macaankeeda noloshaba
Aduunbaa ii macneeyee
Macaankeeda noloshaba
Anuunbaa macnaystee
Ala mahadii weeyaan
Maayadii jacaylkoo
Ala mahadii weeyaan
Maayadii jacaylkoo
Mawkaheenu inoo qoray
Inagoo mid qudha oo
La inoo mashxaradoo
La inoo mashxaradoo
Ala mahadii weeyaan
Maayadii jacaylkoo
Ala mahadii weeyaan
Maayadii jacaylkoo
Mawkaheenu inoo qoray
Inagoo mid qudha oo
La inoo mashxaradoo
La inoo mashxaradoo
La inoo mashxaradoo
La inoo mashxaradoo