VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhaqankeynu - Lyrics

inanyahay la dhaafsado dhemantiyo iyo luulkay buqula laga dhex jogsado igu dhararsaday caashaqu markii an ku dheygaba wuxunba i damqanaaye hadii aan dhismaha guri isku ahayn dhigiyo lool dhidba cawsku gaab tiray dhaxan kaama celiye dhaqankeena weeyo inaga ku dhalanoo dhidig iyo labaare dhidibada ku taago isma wadjir weeyan inanyahow wixii dhacay raganimada dhuuxiyo waa mida u dhalatee dhankii aan ku eegaba dhabi baxay ku moodyo dhudkaay u warkaagana dhami erayadaado hadalkaaga dhuuxo dhagtu maashay maqalkee dhaqankeena weeyo inaga ku dhalanoo dhidig iyo labaare dhidibada ku taago isma wadjir weeyan ianayhay dhag iyo sharaf dhawrsooni iyo edeb aan lahayn dhaliishe caashaqa dhibkiisiyu laba dheef wadaagto isku dhigan ma noqonaa hadaa awrka dhoomaha la caydyn dhagaagaha dhimis aan gab lagu siin rarka lama dhaqaaqe dhaqankeena weeyo inaga ku dhalanoo dhidig iyo labaare dhidibada ku taago isma wadjir weeyan inanyhow dhamayska ahi sida dhamasta xeebaha dhererkiyo hubqaadka leh wafaadka leh ama dhamana hayskiyo dhagafaarka caashaqa naftu dhaygagi weyde ifka laba is dhaarsaday hay dhabar adaygaan isku dhaadan waligod nacabka dhantaalme dhaqankeena weeyo inaga ku dhalanoo dhidig iyo labaare dhidibada ku taago isma wadjir weeyan
Queue is empty
-- / --