Inaan hurdo seexan waayay
Inaan aawada hadraayoo
Hadhkiga inaan ku boodo
Miyaad hodaneey ogtahay

Haayee kawdhe honadoow
Waayahee i wad hodaneey
Haayee kawdhe honadoow
Waayahee i wad hodaneey

Inuu haftomaaya dhiigu
Inaad halistiyo wadnaha
Halbawle inaad ku taalo
Miyaad hadanow ogtahay

Waayahee kawdhe hodaneey
Haayee i wad hanadoow
Waayahee kawdhe hodaneey
Haayee i wad hanadoow

Inaad qurux ugu horayso
Hablaha inaan ka baydho
Horta caashaqu i helay
Miyaad hodaneey ogtahay

Haayee kawdhe honadoow
Waayahee i wad hodaneey
Haayee kawdhe honadoow
Waayahee i wad hodaneey

Markuu qalbigayga yeedhay
Markuu ku habsaday jacaylku
Inuu xididada harsado
Miyaad hanadoow ogtahay

Haayee kawdhe hodaneey
Waayahee i wad hanadoow
Haayee kawdhe hodaneey
Waayahee i wad hanadoow

Markaan kaligay hugmaayay
Adoon maqan aan hadlaayay
Hortayda adaa ka muuqaday
Miyaad hodaneey ogtahay

Haayee kawdhe honadoow
Waayahee i wad hodaneey
Haayee kawdhe honadoow
Waayahee i wad hodaneey

Haday ku helaan cadaawe
Inaan kuu hiilin laayoo
Naftayda huri laaba
Miyaad hanadoow ogtahay

Haayee kawdhe hodaneey
Waayahee i wad hanadoow
Haayee kawdhe hodaneey
Waayahee i wad hanadoow

Exit mobile version