VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Qaadir baa ku siiyo - Lyrics

Sidaad qool mareeroo Qur ubaxaya allaylahee Qoortaada dhabigaa Qabashadaada dhexdaadiyo Qumaatada laafyaha Iyo weliba qiimahaaga Qeyrkaa aad dheertaahy Qaadirbaa kusiiyoo Cad la quuro maba lihid Qancisay naftaydana Qoys ineeynu noqono Qabya tiray dhankeygee Adna qabo dhankaagoo Qalqalooca ka ogoow Anbaa qoobka caashaqa Qarsanaayay nabarkoo Kaa qaaday adigoo Waan qabaa jacaylkoo Naftaa kugu qarwaysee Inanyahoow qadarintiyo Qiimahaa adaa mudan Quruxdana qofkulamida Weli dhaaya kuma qaban Qabanqaabadeeniyo Qoys inaynu noqonnaa Qaybtaan kuleeyahay Ku quusan maysidee Rabboow ha ina kala qarin Qotanka iyo jooggiyo Qaayaha jirkaagiyo Qaabdhismeedka waaxyaha Qorqorsiiyahaaga iyo Hilbahaagan kala qalan Inanyahay anaa qiroo Qanibaa kutahayoo Allaylahee qofnimadiyo Quruxdana gobbaad tahay Qancisay naftaydana Qoys ineeynu noqono Qabya tiray dhankeygee Adna qabo dhankaagoo Qalqalooca ka ogoow Sidaa qadawga dooggoo Qurux waaga barisoo Qaybinaysa nuurkoo Qaabadeeda tahayoo Qiyaasteeda leedee Qayrkaa adduunkana Qorsha adiga mooyee Qofkaleeta ha ii filin Qalbigaaga taa geli Qabanqaabadeeniyo Qoys inaynu noqonnaa Qaybtaan kuleeyahay Ku quusan maysidee Rabboow ha ina kala qarin
Queue is empty
-- / --