qalbiyo isu dhibanoo
ku dhaashada aragtidiyo
dhalaanimo caashaqii
dhamaystiray oogadii
la kala dhantaalaybaa
mar kala kadis dheehashada
nasiibku dharar kulmee
durbaba isku dhaygagaii
dhibicda beerkooda nugul
dareenku kasoo dhuriyo
ilmaa la is dhaafsadee
ma dhuunto ileen cishqigu
jacaylkii dhawrsanaa
wuxuu dheeliyo qabaw
dhaxanta isku raadiyaba
dhambaal ku itaalsadaba
wakaa dhaxalkii aroos
caawaba loo dheelayoo
dhabawday ujeedadii

halbawlaha dhiigiyo
jacayl dhuuxiyo lafaha
dhex qaaday unugyado
dheeftiisii la gaadhaybaa
la kala dhantaalayoo
markuu dheeliyay sidkii
nacabkuu ku dhiiradoo
ku dhaartay inuu furfuro
hayeeshee dhaqaalihii
dhaawicii xiisihii ma goyn
dhul beerana wuu arkaa
hadhaw midhaha dhalee
jacaylkii dhawrsanaa
wuxuu dheeliyo qabaw
dhaxanta isku raadiyaba
dhambaal ku itaalsadaba
wakaa dhaxalkii aroos
caawaba loo dheelayoo
dhabawday ujeedadii

Exit mobile version