VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Qiso - Lyrics

adaa igu qaaliyoo adaa quruxeey runtii qiyaas kugu doortayoo adaan qalanjooy wanaag jacayl igu qoolayoo intaan qoortayda sudhay qardhaasbaan kaa dhigtee talaan kuu qaydayaa qormaan kuu dhiibayaa qabuulbaan kaa rabaa adaa qumanow jacayl qiyaas li'i igu ridoo intuu qalbigayga dagay ayuu labadayda qaar i qaybsaday jidhkoo adigaa qalay waaxyahoo quluubtiyo beerka lulay qisaan kuu sheegayaa runtaan kuu qayaxayaa qofbaan ahay adi ku jecel adaan qaliniyo waraaq hadiyo goor kuu qoraa qab wayni waa lagu lumaa wanaagbaa lagu qancaa qotomi caashaqa qaboo marwooy qoys ila wadaag jacaylkana ila quwee talaan kuu qaydayaa qormaan kuu dhiibayaa qabuulbaan kaa rabaa dadkaan ka qaloodayba qariib la i moodayoo waxaan qariyaba wakaa jacaylkii igu qarxee naftaa kuu qoomanoo hubaal qawlkaad i tidhi ayaan u qushuucayoo hubaal qawlkaad i tidhi ayaan u qushuucayoo qisaan kuu sheegayaa runtaan kuu qayaxayaa qofbaan ahay adi ku jecel
Queue is empty
-- / --