xigtada aan haweenkiyo
xaawaley kadoortee
xalaal laygu siiyaay
xoogayga jidhkaay
xididada jidhkaygaay
xinjirtayda dhiigaay
xaqsoorkii nafteydaay
xurmodii dushaydaay
xakamihii ijoojaay
xagna kaama aado
abidkayna xilo kale
xiisahaa ma eego
adigaan xabkuu ahay
xidigtii aaan doortaay
xilka layga saaraay
nikaax laygu xidhayee
garashada xogtaydaay
xaqdhowrka nafteydaay
xamdiyey dookheygii
xayndaabkii noloshaay
xeeradaan ku dhaqanaay
hugii aan xidhnaayeey

Exit mobile version