dhul xareedo wadhantoo
ku xaswilay kalgacalkii
waxa looga xeredhigay
meeluu xaysku ku onkadey
jaceylkeenii xiiq tiray
xidigaha haduu jirayeey
xalay buu kasoo degay
adigana xanaaniyo
xurmuu kuugu hoydee
xadhigiisu yuu gu in
xilka aynu qaadniyo
wacadkana xusuusnow
raaxaynu xiisaha
sida laabta xuunshada
xeerkiisa mudaniyo
ku xurmaysan naftii
xubnihii buuxsamee
hadii uu xidhnaan jiray
maantuu xoriyad yahay
adigana xanaaniyo
xurmuu kuugu hoydee
xadhigiisu yuu gu in
xilka aynu qaadniyo
wacadkana xusuusnow

Exit mobile version