Dhismaha jacaylbaa
Intuu igu laxaadsaday
Idilkeed naftaydee
Itaalkii intaa qaadee

Indhahaygaa ruux kale
Ilwaad eegi waayoo
Indhahaygaa ruux kale
Ilwaad eegi waayoo
Inay adi ku arkaan
U ilmaynayaan uun
Aamuusii is leeyahee
Is leeyahee

Inaan ku irdhooboon
Wali kuu ildaranahay
Ifka kuugu jecelahay
Adba waad ogsoontahee
Kaalayoo i daadahee

Dhismahan hablaha
Kacay aynigaaga
Inaad ugu horaysoo
Gidigood u sidatoo

Ixtiraan iyo edeb iyo
Ilaahayna qurux iyo
Iiiman qaniya kuu dhali
Inaan qaaliyaa tahay
Oo amaan u qalantaa

Inaan ku irdhooboon
Wali kuu ildaranahay
Ifka kuugu jecelahay
Adba waad ogsoontahee
Kaalayoo i daadahee

Exit mobile version