Heesta Aduunyada waa sagaal - Lyrics
Aduunyada waa Sagaaloo
Sadkayda ma buuxsamoo
Qabyo ay ku saleesantahay
Sad iyo guur waa nasiib
Ruuxaad salkal iyo qalooc
Sagsaag ka maleesato
Soomaalaa lagu arkaa
Midaad saabka iyo wadnaha
Sadriga dheer galisoo
Saluugtaa laga helaayee
Sideedaba labo is jecel
Ayaankoodii saldhigay
Sirtooda wadwadoo
si ay isu seejiyaan
Xumaanto ulkala sawireen
Nasiibku marbuuu samraayo
Sareeradu Qayr dhashaayo
Waxaad sugtaa aad heshaayee
Dadkana sixin iyo sabiib
Ruuxaad malab siisa oo
Xumaan kugu seeriyoo
Sanfaqoosha Iska badan
Daartaa mid kula sidoo
Sixinimo kuu noqdoo
Ku saacida laga helaayee
Sideedaba labo is jecel
Ayaankoodii saldhigay
Sirtooda wadwadoo
si ay isu seejiyaan
Xumaanto ulkala sawireen