ka danbaxay damqashada jacaylka
kii dagay naftaydaa
yarkii aan ku daalay

waxan dareemay
darxumaduu i mariyay
diiftii iga raacday jacayl

ka doorsaday dibna
uguma laabtoo
dux iyo dan midaan lahyn

illaah deeqdiisu furaneey
ducanaa waalid iigu filan
ragana door kama dhamade
aniyo waa dayashadayee

ka dawoobay dakharkii jacaylka
boogtii xanuunka
kii aan la diiqay

waxan ku daayay
siduu ii doqmeeyay
dhibtiisaan dareemay jacayl

Exit mobile version