kal gacaylku waa beer
baxda sida dhirtoo kale
waa bilic aduunyada
boqorku uu ugu tala galay

waa barasho laba ruux
mid ka soo bilawdee
bugtiyo caafimaadba le

niman baran waa u baas
badaw waa u daranyahayee
wax ubaana sheekada
booqashaduna waa u sharaf

inuu baaqdo mooyee
kalgacayl ma baabo o
haduu badanka laabtiyo
boga iyo wadnaha dago

ana boogta igu taal
iyo boholyadiisuba
way igu sii balaadhee

Exit mobile version