Sida saba ugaaree
Qaras go’ay sunteedii
Sagaaradiyo cawshiyo
Sariirtay dhaxjoogaan

Shimbirihu subcinayaa
Sootkay isla raaceen
Saantiyo ciyaartiyo
Sacabkuna aan ukala go’in
Sadrigayga iyo laabtiyo
Wadnahaad dhaxsurantoo
Dareenkaad la socotaa
Adaan kaa dharsugayaa

Sida sabi caruuree
Hooyadii ka safartoo
Saqda dhaxi habeenkii
Hurdadii ka salaloo
Aabahuu sasabayoo
Gacmahii ka saaciday
Nafta sidaan iraahdaba
Samir iga diidee

Exit mobile version