Anoo diif xanuuniyo
Ama damaq jacayloo
Dakhar kugu nafoobo
Dalam baabiyaa tahay

Dar ilaahay waataan
Kula soo dabaashee
Dar ilaahay waataan
Kula soo dabaashee
Adaa samihii diidoo
Xiisaha dudumiyee

Goortaad dhadhamisiyo
Dee baaqdii waataa
Goortaad dhadhamisiyo
Dee baaqdii waataa
U dambaba xidhatee
Dadku yaanu kaa garan
Dadku yaanu kaa garan

Anoo dabarka waayaha
Isku laba dibleeyoo
Dadku kadbankoobo
Xaqaagii la duugsiiyay

Damiirkaagi waakaan
Kula soo dadaalee
Damiirkaagi waakaan
Kula soo dadaalee
Adaa baala daymada
Dib u soo arooree

Goortaad dhadhamisiyo
Dee baaqdii waataa
Goortaad dhadhamisiyo
Dee baaqdii waataa
U dambaba xidhatee
Dadku yaanu kaa garan
Dadku yaanu kaa garan

Exit mobile version