VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Ubax magool - Lyrics

Adaa muuqa gaariyo Midabkii dayaxa iyo Mirihii sarraadiyo Dahab muunaddiisa leh Anba ubax magooloo Maanka iga deeqiyo Inanyahay mareer baxay Lagu mood canbooley Marwoo lagu hagoogtoo Ogow magac halyeeyliyo Waxaad tahay masuulad qaran Mudanaysa qooraaa Adaa muuq libaaxliyo Haybad lagu majeertiyo Magaciyo wardheerloo Adigaa ragga ugu mudan Haddii meel fagaaraa Ay murugta xaajadu Mur haddeey ka adagtahay Adigaa maaareeyee Mahad geesi loo noqdoo Maax lala wadaagoo Mira lala gurtaayoo Marwo loo noqdaa tahay Maamuus haweeniyo Inanyahay milgiyo sharaf Adaa qurux muggeedii Mowlahay kusiiyoo Anba malab da'aayoo Maankayga deeqiyo Inanyahay mareer baxay Lagu mood habbooneey Marwoo lagu hagoogtoo Ogow magac halyeeyliyo Waxaad tahay masuulad qaran Mudanaysa qooraaa Adaa mayayga roobkiyo Sida maadha geedaha Iyo maarki uu dhalay Naftu kugu maqsuuddaa Anba muxibiyo iyo farax Naftu ay muraadday Inaad meel lajoogtoo Mataankeedii noqotee Mahad geesi loo noqdoo Maax lala wadaagoo Mira lala gurtaayoo Marwo loo noqdaa tahay
Queue is empty
-- / --