Adaa muuqa gaariyo
Midabkii dayaxa iyo
Mirihii sarraadiyo
Dahab muunaddiisa leh

Anba ubax magooloo
Maanka iga deeqiyo
Inanyahay mareer baxay
Lagu mood canbooley

Marwoo lagu hagoogtoo
Ogow magac halyeeyliyo
Waxaad tahay masuulad qaran
Mudanaysa qooraaa

Adaa muuq libaaxliyo
Haybad lagu majeertiyo
Magaciyo wardheerloo
Adigaa ragga ugu mudan

Haddii meel fagaaraa
Ay murugta xaajadu
Mur haddeey ka adagtahay
Adigaa maaareeyee

Mahad geesi loo noqdoo
Maax lala wadaagoo
Mira lala gurtaayoo
Marwo loo noqdaa tahay

Maamuus haweeniyo
Inanyahay milgiyo sharaf
Adaa qurux muggeedii
Mowlahay kusiiyoo

Anba malab da'aayoo
Maankayga deeqiyo
Inanyahay mareer baxay
Lagu mood habbooneey

Marwoo lagu hagoogtoo
Ogow magac halyeeyliyo
Waxaad tahay masuulad qaran
Mudanaysa qooraaa

Adaa mayayga roobkiyo
Sida maadha geedaha
Iyo maarki uu dhalay
Naftu kugu maqsuuddaa

Anba muxibiyo iyo farax
Naftu ay muraadday
Inaad meel lajoogtoo
Mataankeedii noqotee

Mahad geesi loo noqdoo
Maax lala wadaagoo
Mira lala gurtaayoo
Marwo loo noqdaa tahay

Exit mobile version