Bal qofyahaw jacaylbaa
Igu kaa qasbaayoo
Waad i quudhsanaysaa
Qayrkaa ma waayine

Qosolbaabay kula tahay
Qadhqadhyadan i haysiyo
Qamuunyada jidhkaygiyo
Dibnaha oon qaniinee

Hadaan go, qiyaamaha
Adaa laguu qabsanayaa

Igadaa qumbacashada
Qoontaad i yeeshaan
Dadka kala qaloodaa

Ima qabaa jacaylkani
Qaxar iyo lugooyee
Qoodhaa iyo xeradaa
Anba kuuma quudheen

Saw intaan qalayaa
Adna qaybinaysaa
Hadii aad qabwayn tahay
Nafsi yuu ku qabaninee

Qoraansigaagii
Indhahaa igu qalalee

Igadaa qumbacashada
Qoontaad i yeeshaan
Dadka kala qaloodaa

Exit mobile version