Uurkiyo qalbiga
Hadii aadan ku ool
Ubax iyo jacayl
Kulamaan sugeen

Eelkaad wadnaha
Ku abuurtaybaan
Abid iga bogsoon
Naf ku aamintaa
Sida eeridhaban
Dayn wayday olol

Aragiisa kaan
Ku ildoosadoow
Amaan iyo ducaba
Waad istaahishaa
Inaan kuu tirshee
Ayaatiin ku waar

Nuurkii indhaha
Hadii aadan ahayn
Ilma socoto iyo
Oohin kuma go,een

Argagaxisada iyo
Aramida jacayl
Waa aawadaa
Ambadaye waxaan
Ayda u maree
Maxaad odhan lahayd

Aragiisa kaan
Ku ildoosadoow
Amaan iyo ducaba
Waad istaahishaa
Inaan kuu tirshee
Ayaatiin ku waar

Exit mobile version