VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dawo - Lyrics

Dawooy dawo caafimaadeey Darmaan qurux lagu mariimay Dareenka naftayda kiciyaay Deegaan baxday ubax dilaacay Maxaa damqashada Kalgacal dartaa u haraada Maxaa gabalkoo dam yidhi Dadkoo seexday guuro galay Maxay dirqi u ahayd danteena inaan kaco Mudoo daal igu badnaa Dugsiyow dugsi lana huraanow Dabaysha dhaxanta celiyow Cir da'ay dal masayrow Duufaan caashaqu habayow Maxaan daad soo rogmaday Dabaashay habeen madaw Maxaa diifta igu taal Dadka kuula yaabi idhi Maxay dib u gocashadii Xusuustayda daashadeen Maxaan anba kaa darnaa Dadaalkayga mudnaa Daryeelkaaga wacnaa Inagoo isu duubaniyo Deeqda RABIBAA lahaa Damaashaad ila ciyaar
Queue is empty
-- / --