Heesta Jiririco - Lyrics
ALLAHAYOW maxaa iga qabsaday
Waan qarsanaayay mooyee
Muxuu jidhka qalay jacayl
Maxaan qabawyooday
Maxaan yarka ku qarway
Maxay riyo i qaladay
Indhaha kolkaan kala qaaday
Qofba ilama joogine
Sow naxdin qac maan odhan
Sow ilmadu imay quban
Talo iga qaloocane
Sow qalbiga kama ooyoo
Jiririco ima qaadee
Qalbigu kuu rabay hadaan
Is qaban waynay
Ilayn qol hadimo weeyi
Haduu qosolku beenyay
Hadaad qaraar gaadhee
Hadaad talo qorshaysay
Inaan qariga tuurto
Waa qasaaro halisee