VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Manaxoo jacayl cover - Lyrics

Marka hore mirwaadkiyo Masaawaadka faraxiyo Muxibada riyaaqiya leh Waa mid lagu yaqaanaa 2x Cishqii kuu maleegtana Malaa daba ma waayee Cishqii kuu maleegtana Malaa daba ma waayee Maalmo waxan dareemo Mudo kale i daayaba Ma naxoo jacayl 2x Usaaraa mudada badan Igu meer isagana ka soo maqan Igu meer isagana ka soo maqan Ee mar dhadhami qadhaadhiyo Kuu yahay macaanba waad mutaysatee Ee mar dhadhami qadhaadhiyo Kuu yahay macaanba waad mutaysatee Mililicada guudkiyo Muxibada dareenkiyo Inta joogo meel dhow Maro looma waayee 2x Madi waxay u daran tahay Markaa shalay adoo nacay Madi waxay u daran tahay Markaa shalay adoo nacay Maanta uu ku keenaa Eed maarmi waydaa Ma naxoo jacayl 2x Usaaraa mudada badan Igu meer isagana ka soo maqan Igu meer isagana ka soo maqan Ee mar dhadhami qadhaadhiyo Kuu yahay macaanba waad mutaysatee Ee mar dhadhami qadhaadhiyo Kuu yahay macaanba waad mutaysatee
Queue is empty
-- / --