Marka hore mirwaadkiyo
Masaawaadka faraxiyo
Muxibada riyaaqiya leh
Waa mid lagu yaqaanaa
2x

Cishqii kuu maleegtana
Malaa daba ma waayee
Cishqii kuu maleegtana
Malaa daba ma waayee
Maalmo waxan dareemo
Mudo kale i daayaba
Ma naxoo jacayl
2x

Usaaraa mudada badan
Igu meer isagana ka soo maqan
Igu meer isagana ka soo maqan
Ee mar dhadhami qadhaadhiyo
Kuu yahay macaanba waad mutaysatee
Ee mar dhadhami qadhaadhiyo
Kuu yahay macaanba waad mutaysatee

Mililicada guudkiyo
Muxibada dareenkiyo
Inta joogo meel dhow
Maro looma waayee
2x

Madi waxay u daran tahay
Markaa shalay adoo nacay
Madi waxay u daran tahay
Markaa shalay adoo nacay
Maanta uu ku keenaa
Eed maarmi waydaa
Ma naxoo jacayl
2x

Usaaraa mudada badan
Igu meer isagana ka soo maqan
Igu meer isagana ka soo maqan
Ee mar dhadhami qadhaadhiyo
Kuu yahay macaanba waad mutaysatee
Ee mar dhadhami qadhaadhiyo
Kuu yahay macaanba waad mutaysatee

Exit mobile version