VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Soo taan geesi kaa dhigay - Lyrics

Adoo gole ka maagoo Haweenkaba ka gaabsaday Sowtaan ku kala baray Garta iyo tusaalaha Adigoon gorfayn karin Sowtaan geesi kaa dhigay Go'e halaq miyaad tahay Hadba marada ii gala Gododlayntu waa maxay Waad iga gardarantee Waan kaa gadoomee ha goohin Waanan kugu galaynine ha guuxin Waan guurayaaye i gees mar Gurgurshee la dhaanshee Loo tiriyay googeee Intuu maatadii gabay Gibishiyo heeryada Idinkuna gadoodiyo Abaal gaab ha noqoninee
Queue is empty
-- / --