Heesta Doonis - Lyrics
gayi dheer jacaylkii
u galbadee galin hore tagay
oo aan la gaadhayn
ha ka daba guclayn
aan gam'ee nafyahay
hurdada ha iga goyn
gayaan kale ma waayine
nafyahay guhaadiyo
iga daa gilgilashada
gabaybaa mar hore yidhi
xiligaad ka gudubtiyo
galinkii ku dhaafaa
gadaal kuuma soo maro