VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta xiriir - Lyrics

anoo xilo kuu noqdoo waliba xikmadaha kalgacal xiskayga ku kaydiyoo laabtayda kuugu xafida xilkaygii adaa gaboo xaqaygii garab maree caashaqa xagal daaca iyo xumaanta ku doorsadee xiriirkii dhexdeena jirayiyo xarigii waadigaa jaree meeshaad u xiimaysaa armay xero oodan tahayoo nabsigu ku soo xidhaa anoo raga xashoo waliba xaqiiqdii ku jecel xurmana adi kuu hayoo niyadayda kugu xirxiray hadaad xal mooday sidaa ragbaa igu xoonsanoo anigu kuuma xiisayee mar kale ha ii soo xadrayn
Queue is empty
-- / --