Heesta Ala laaska faraxa leh - Lyrics
marka laba is aaminay
ulashada rumeeyaan
ee ay aayatiiniyo
nolol wada abuuraan
alaalaska faraxa
ubax loo hibeeyaa
abshirtoodana caawana
nimcoo oori noqtaye
asaagiisa oo idil
mustafay ka ulataa
udubkood la taagoo
waa aroos galkoodii
aamiin dheh aamin dheh
aqal rays leh aaamiin
ubad khayr leh aamin
ka dheh uurka aamiin
noqda laba arwaaxdiyo
ka midoowday aragtida
noqda laba ayaankiyo
cawadood u idishahay
noqda laba adeeciyo
ixtiraamka kala hela
nqda laba is eegto
isu uur fayoow abid
noqda laba arsaaqdana
loo furo ilaan gudhin
noqda aabo taliya iyo
arxan hooyo lagu hubo
aamiin dheh aamiin dheh
aqal rays le aamiin dheh
ubad khayr leh aamiin
ka dheh uurka aamiin
aamiin dheh aamiin