sanadyyahoow bilaabmee
bishu caawa kaw tahay
badhtankiyo dhamaadkaba
noqo kii barwaaqa ah

bulsho nabad ku raysiyo
barbaar caafimaad qaba

baryo wixii lasoo maray
sanad laga bogsoodoo
boogahii la dhayayo
bulshadan mideeyoo
nabad noogu baaaqay noqo
2x

sanad baraka yeeshoo
taariikhda baal dahab
beri lagu tilmaamiyo
badal khayrle noo noqo

sanad biiro nololeed
bidhaanteeda sida noqo

baryo wixii lasoo maray
sanad laga bogsaadayoo
boogihii la dhayayoo
bulshadana mideeyo
nabad noogu baaqay noqo

Exit mobile version