Heesta Burco - Lyrics
burcooy waxaad hiil u tahay
halyaygii damqadiyo abwaan
bulshada u horseeday nabad
guri lagu hirtaay hooyadii afkaay
burcooy lama huraaneey
halbawlihii dalkaa tahay
burcooy waxaad hodan ku tahay
hidihii dhaqankiyo murtida
hantida xolaheena nool
guri lagu hirtaay
hooyadii afkaay
burcooy lama huraaneey
halbawlihii dalkaa tahay
burcooy hoy waxaad tahay
hablihi nasabkiyo xortee
gayaankoodu hiigsan jiray
guri lagu hirtaay
hooyadii afkaay
burcooy lama huraaneey
halbawlhii dalkaa tahay
hoygii nabadaay burcooy
horseedkii xornimada dalkiyo
rugtii hanadada dhashaay
guri lagu hirtaay
hooyadii afkaay
burcooy lama huraaneey
halbawlhii dalkaa tahay
burciiyo hawdkii togdheer
hawadaa wacan iyo saxada
nafluhu kaa helaa haboon
guri lagu hirtaay
hooyadii afkaay
burcooy lama huraaney
halbawlihii dalkaa tahay
burcooy waxaan kugu hubaa
hanaan iyo soryo wacan
hasaawe aan turxaan lahayn
guri lagu hirtaay
hooyadii afkaay
burcooy lama huraaneey
halbawlihi dalkaa tahay