cashaqa dhabtaa ah
ruuxii dhamaa
shaw kama dhargee
wuu kuba dharsaa
inkastooy dhahaan
way kala dhinten
qofka kugu dhex nool
siduu kula dhashaad
ugu dhaadataa
ka dhaliilayaad
is tidhaa dhirbaax
yartu dhool la mood
dhuuxay dagtoo
way igaga dhagtee
kama daba dhaceen

dhaayuuhu ilmada
dhayal uma qubaan
dhadhka caashaqaa
shaw lagu dhayaa
sidaan kuu dhursugo
kuuguna dhadhabo
hadaad dhaadi layd
eray lagu dhintoo
qalbigayga dhiba
intaad igu dhahduun
cidlo ima dhigteen
yartu dhool la mood
dhuuxay dagtoo
way igaga dhagtee
kama daba dhaceen

Exit mobile version