VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhax dhaxaadin jacayl - Lyrics

maxaan dadka kaa dhawaystay maxaan dhibta kaa ilaashay maxaan qalbigaaga dhawray inaan qayrkaa ku dhaafsho maxaan isu dhiiri galiyay anoo dhayalsada dantayda maxaan taada kuu dhameeyay hadii la is dhaami waayo wanaag lama kala dhaxlee anoo dhexdhexaadinaaya dhacdada maanta iyo jacaylka dhagxumo kuu quudhi maayee dhigaa ugu sharaf badnoow maxaan ka dhursugay jacaylka maxaan kugu dheel halaabay maxaan dhabta kuugu heesay maxaan caashaqa dhankayga ka jiray dhaxan uga timadaa anoo kugu dhaadanaaya dhaliilo maxaad i saartay hadana dhag hadi la gooyo daloolkeedaan dhamaane anoo dhexdhexaadinaya dhacdada maantiyo jacaylka dhagxumo kuu quudhi maayee dhigaa ugu sharaf badnoow
Queue is empty
-- / --