VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhool - Lyrics

siduu dhaqan wanaagsani ugu dhaato aadmigu adigaa dhigaa qurux xishood iyo asluub dheer sidaa dhiro barwaaqaa jawi dheehashada guud dhiiri galiya loo lahaa ama midabo dhawr oo dhaayuhu jeclaystaan dhabtii kugu tilmaamee hadmaad soo dhawaan dhawrsooni diiniyo hido wacan qof lagu dhalay dhabtii adiga weeyaan dhaban aadmi daawo dhedig iyo labood gabi dherer iyo adaa dumar xaragadiyo hubqaad dheer sida dayaxoo dhugashada xidigaha dhalaalaba u dheeryahay iftiinkiyo ama qorax dhacaysoo dhulka sagal ku qarisaa dhooleey la cayn tahayee dhamays aad u tahay dhalad dharsooni diiniyo hido wacan qof lagu dhalay dhabtii adiga weeyaan
Queue is empty
-- / --