VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dulqaad - Lyrics

Damacu qofku wuu hodaa Is muujintu way dishaa Dagdaga guul lagama helo Ku darna ka darbay dhashaa Damacu qofku wuu hodaa Is muujintu way dishaa Dagdaga guul lagama helo Ku darna ka darbay dhashaa Dulqaadku naftuuu sadaa Damiirku waxbuu hagaa Dabnuhu eraygay gabeen Dareenbaa lagu fahmaa Dulqaadku naftuuu sadaa Damiirku waxbuu hagaa Dabnuhu eraygay gabeen Dareenbaa lagu fahmaa Runbaa lagu dadab galaa Xaqiiqbaa lagu dagaa Jacaylkana daacadnimo Ayaa lagu daadahshaa Runbaa lagu dadab galaa Xaqiiqbaa lagu dagaa Jacaylkana daacadnimo Ayaa lagu daadahshaa Danbaa lagu meel maraa Xumaha waa laga durkaa Waqtiga dabarkiisa iyo Noloshu waa bare dahsoon Wixii aan dookhu rabin Indhuhu kuma doogsadaan Wax uurka ku duugan iyo Qalbiga lama daawan karo Wixii aan dookhu rabin Indhuhu kuma doogsadaan Wax uurka ku duugan iyo Qalbiga lama daawan karo Runbaa lagu dadab galaa Xaqiiqbaa lagu dagaa Jacaylkana daacadnimo Ayaa lagu daadahshaa Runbaa lagu dadab galaa Xaqiiqbaa lagu dagaa Jacaylkana daacadnimo Ayaa lagu daadahshaa
Queue is empty
-- / --