VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta gadaal kuu jeclaadaa - Lyrics

Geed lahadhsadoo weyn Gogol ubaxi hoos taal Oon ku gam'oon Guri lagu nastaad gacalo Deeqaay aad tahay. Geyaan taan jeclaayeey Gebi noloshaydii baad tahay Kalgacal aan dhamaan iyo Godlanoo irmaanbaan Caashaqa la gaaxdaa Gu kastaba gugiisaan Gadaal kuu jeclaadaa. Duunyo iyo xoolaba Nin uu guulo siiyoo Haysta geel nabadan Garashadda sidaan qabo Gacalo deeqay aad tahay. Ninkii gaari helaybaa Guul iyo faraxba leday Kalgacal aan dhamaan iyo Godlanoo irmaanbaan Caashaqa la gaaxdaa Gu kastaba gugiisaan Gadaal kuu jeclaadaa.
Queue is empty
-- / --