Geed lahadhsadoo weyn
Gogol ubaxi hoos taal
Oon ku gam’oon
Guri lagu nastaad gacalo
Deeqaay aad tahay.

Geyaan taan jeclaayeey
Gebi noloshaydii baad tahay
Kalgacal aan dhamaan iyo
Godlanoo irmaanbaan
Caashaqa la gaaxdaa
Gu kastaba gugiisaan
Gadaal kuu jeclaadaa.

Duunyo iyo xoolaba
Nin uu guulo siiyoo
Haysta geel nabadan
Garashadda sidaan qabo
Gacalo deeqay aad tahay.

Ninkii gaari helaybaa
Guul iyo faraxba leday
Kalgacal aan dhamaan iyo
Godlanoo irmaanbaan
Caashaqa la gaaxdaa
Gu kastaba gugiisaan
Gadaal kuu jeclaadaa.

Exit mobile version