Heesta Garaad Dumar - Lyrics
Adooy talo kaa guracantahoo
Halboowluhu ku go'anyahoo
Laxaw gawdu kugu hayo
Soo kumaan garaabeen
Garab baan ku siin lahaa
Gargaar baan kuu tari lahaa
Anigu kumaan guhaadsheen
Ciil kuguma guriyeen
Oo kaama goosteen
Garaad Dumar baad sidaa
Naftaan gami diidayee
Gudcur damac gudeesee
Adi kuu go'doontee
Aragaa dooneesaayee
Miyaad u garaabeen
Bogaaga miyaad galineen
Anigu kumaan guhaadsheen
Ciil kuguma guriyeen
Oo kaama goosteen
Garaad Dumar baad sidaa