neecaw udgoonloo
nafta raaligalisaay
ku nagaatay laabtoo
nasteexaygibaad tee
nuuxsiga jaleecada
naxariista hadalkuba
naruurada kalgacalka le
naftaa kugu jeclaatee
ha naafaynin caashaqa
nacabkana iska ogoow
nabiiibshaha warkiisyo
nuxus iyo waxyeeladu
nabar yay ku gaadhsiin

caashaq niyaadsamaan leh baan
kugu naawilaayoo
nimco iyo barwaaqiyo
nolol baan ku bidayaa
nidar baynu dhiganayoo
isku llaab nuglaanaye
reer lagu nagaadiyo
guri nabada eeboow
ha naafaynin caashaqa
nacabkana iska ogoow
nabiibshaha warkiisiyo
nuxustiyo waxyeeladu
nabar yay ku gaadhsiin

Exit mobile version