hoodadadoda wacan
ma ahee humaag
waa hubaal dhabee
halyeey alta iyo
hodan baan dharar
hosiis ku jirin
guurkood habsami
loo habeeyayoo
hibaa loo kacee
hambalyaan dhambaal
hawadeena sare
hirarka kalgacal
haatuf ugu dirnee
ducada naga hooya
sida hadhka labada galin
hakala hanqaarminoo
dareen caashaqa ku hilan
huubiyoo qalbiyada ku haba

sacab heeladani
ma ahee hilmaan
hal ku maala hee
hanad alta iyo
hodan suubaneey
hoygiinu noqay
guri aan haraad
aan lahayn hanfoo
hud barwaaqadee
hadhimada kalgacal
hoobaan curdina
laga haabsadoo
lagu soo hirtee

Exit mobile version