VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Hooygiina - Lyrics

Ma ogtahay hormuud Inantaad hantiday Duco hooyadeedbay Huuwantahee Ma ogtahay haldhaa Wiilkaa ku helay Inuu yahay halyay Hiilin kuu huyaa Ma ogtahay hormuud Inantaad hantiday Duco hooyadeedbay Huuwantahee Ma ogtahay haldhaa Wiilkaa ku helay Inuu yahay halyay Hiilin kuu huyaa Hoygiinu noqay Hadhac aan engagin Kii lagu hirtee Ehel soo hadh galo Ubad hoodaloo Aayrkood hor kaca Rabibaa hayee Idinkama hakrado Ubad hoodaloo Aayrkood hor kaca Rabibaa hayee Idinkama hakrado Hoygiinu noqay Hadhac aan engagin Kii lagu hirtee Ehel soo hadh galo Ubad hoodaloo Aayrkood hor kaca Rabibaa hayee Idinkama hakrado Ubad hoodaloo Aayrkood hor kaca Rabibaa hayee Idinkama hakrado Haybadaad nagaad Guuleed horseed Heesta iyo murtidu Waa hambalyadii Hoyga aad dhisteen Waa hambalyadii Hoyga aad dhisteen Haybad badan nagaad Guuleed horseed Heesta iyo murtidu Waa hambalyadii Hoyga aad dhisteen Waa hambalyadii Hoyga aad dhisteen Ma ogtahay hormuud Heemaal qurxoon Hablihiyo dhigeed Inay hiigsadaan Labayahay hidaha Ku heshiiyayoo Caashaqan hirgalay Idinkama hakado Ma ogtahay hormuud Heemaal qurxoon Hablihiyo dhigeed Inay hiigsadaan Labayahay hidaha Ku heshiiyayoo Caashaqan hirgalay Idinkama hakado Labayahow hiifka iyo Hadalada qalalan Ka hawooda oo Noqda aan is hurin Laba hilaw jacayl Hoobaan kalgacal Isku habaya oo Noqda aan is hurin Laba hilaw jacayl Hoobaan kalgacal Isku habaya oo Noqda aan is hurin Labayahow hiifka iyo Hadalada qalalan Ka hawooda oo Noqda aan is hurin Laba hilaw jacayl Hoobaan kalgacal Isku habaya oo Noqda aan is hurin Laba hilaw jacayl Hoobaan kalgacal Isku habaya oo Noqda aan is hurin Haybadaad nagaad Guuleed horseed Heesta iyo murtidu Waa hambalyadii Hoyga aad dhisteen Waa hambalyadii Hoyga aad dhisteen Haybad badan nagaad Guuleed horseed Heesta iyo murtidu Waa hambalyadii Hoyga aad dhisteen Waa hambalyadii Hoyga aad dhisteen
Queue is empty
-- / --