VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Hooyo - Lyrics

camuud la iga beeraay jiidhkiyo cadkaygiyo maqalkiyo codkaygaay ciirsiga laxaadkiyo aragaan ku ciidmaay garashada cabiraniyo caqligayga kaliyaay carfi lagu badhadhiyo cawadayda noloshaay caynaanka guushiyo cisigayga sharaftaay hanka ceebta diidiyo damiirkayga culaneey hooyooy hooyooy waligaa ha mudan ciil waligaa ha mudan cudur waligaa ha mudan ceeb waligaa ha mudan caydh hoooyooy cakooshiyo carabkiyo afkaygaan duco kaaga curiyee carcaraafka waayaha cadho waa masiibee CAADILKEEY dhib kaa hay hoooyooy hoooyo hooyaday macaaneey adoon caano igu habin adoon gaajo iga celin adoon curad haldooriyo calan sidaha iga dhigin ma anaa qof ciil baxa ma anaa qof ceebiyo ka waynaada cabasho noqon lahaa cisayga noloshaa ku cadawoo cidhibtiisuna guul male cimrigiina ma xasilo ifka ruux ku caasiyay cidhifkiisa waxa sudhan xadhig cayda hooyo inta camalka khayrka le hooyo lagu casuumee samadiyo carshiga sare ka cafiyo ILAAHEE cadaabtii ka nabad gala hooyooy CAADILKEEY ha kaa dhigo hooyooy
Queue is empty
-- / --