Indheer garad kama ambadoo
ardaa calaf loo dhigoo
Alla i ilhaamiyee

Markaan ku arkaa
jaceyl qalbiga ku abuurtayoo
adiga ruux aan aheyn aktayda
aktayda ma joogsadee

Ifraax adigoo qudheey
nafteyda ku aamintee
gacalooy ii uur samoow

Koley admi beynu nahey
abaalkana iloowi kara
Eebana amarkana iska leh

Hadana ehel wada dhashiyoo
ul iyo diir baynu nahay
amaano dhexdooda taalo maraboo
maraboo aqal aqal u duma

Ifraax adigoo qudheey
nafteyda ku aamintee
gacalooy ii uur samoow

Hadana ehel wada dhashiyoo
ul iyo diir baynu nahay
gacalooy ii uur samoow

Ifraax adigoo qudheey
nafteyda ku aamintee
adiga ruxaan ahayn akteyda
akteyda ma joogsadee

Exit mobile version