Sida heego roob iyo
Cer hilaacay fiidkii
Sida looga helayaa
Adi ku hiraayee
Ila huuri caashaqan

Macaan waan hubayoo
Halis beerka gaadhiyo
Hareeraha wadnaha buu
Ka hugmaa jaceelkuye

Hiddo dhalad wanaageey
Adaan ku han waynoo
Kolna kaama harayee
Ii hiili adiguna aan
Hooy Wadaagnee

Naf jaceyl hugaanshoo
Halbowlaha u dhaadhacay
Hitineeso socodkoo
Habeen iyo dharaaraha
Hakanaynin baan ahay

Macaan waan hubayoo
Halis beerka gaadhiyo
Hareeraha wadnaha buu
Ka hugmaa jaceelkuye

Lyrics by Zacharie Mohamed

Exit mobile version