kolay imtixaan aduun
naflahaa kadab loo qoraa
kadeed loo soo marshaayeey
hawraar kaftanaa caqliga
aadmiga loogu kuur galaa
micnaha kibirkiyo qabkuna
kashii madhan bay dagaan
qalbiga kaar laguma shubo
kalsoonida buuxiyee
labada isla keenayaa
korkay iska sii fahmaan

caashaqa kalidii qof sida
kashiisa usoo bandhiga
buuxiya kaalintood
kal iyo laab wada jirkeed
kasba mid midkeeda kale
kalgacal ma muujisee
karaamo u dhawrsanoow
qalbiga kaar laguma shubo
kalsoonida buuxiyee
labada isla keenayaa
korkay iska sii fahmaan

Exit mobile version