ma kashaa dhilata dhololaysa
ma dhinbiil cishqiba ku dhalaashay
ma ilmo dhardadaa dhabankaygu
sow ima dhigin waadhka ilowga

markastoo lagu dhaydo la dhaygay
midhka aad i tidhaahdo igu dheere
dhakhtarkii qalbiga isma dhaafno

dhilanay dhex yaray i dhagayso
i dhaydo i dhistoo i dhagayso
anba waan ku dhaqdee igu dhaado

dhediga oo idil taan ka dhawystay
wadne aad dhex dagtayba dhab u ledahay
dhago ku nugulba ku dhaguugta
kugu dhaab rabigu dhimirkayga

naf dhalaan sidooda ku dhowrta
ka dhifaysa wixii ku dhibaaya
ha la dhaafin uun bal dhoola cadaynta

dhilanay dhex yaray i dhagayso
i dhaydo i dhistoo i dhagayso
anba waan ku dhaqdee igu dhaado

Exit mobile version