VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Jahwareer - Lyrics

yaa yidhi ma jiro caashaq oo jaahilnimo sheegtay dhibso yaa jacayl mooday oon garan jibada haysa kuna sheegay jeefaafka jibadiisa mooyaaane jacda xiise yara qaaday oon sii jirayn maalmo yaa yidhi jidhkuu raacay waa been dheh jaanqaaday ama waa jidiin gooyo adigoo jaldiga eegay waar bahalku waa jawhar jano gaaban weeyaane jaahwareer halaga daayo kama daalo jeedaalo hadba geesta ay joogtoh oo kamana soo jeesto markaan dhaayo jaaheeda ku jiheeya laabtayda waran caashaqbaa jiidha wadnahana jugbaa gaadha oo jidhiidhicaa saaqda uurkayga iyo jiidhka
Queue is empty
-- / --