Qalbigan muxubada hirqaday
intuu caashaqu caqbsaday
qalwada uu dago ka dhigay
korkeedana qaac ka shiday
qofkaygii oo I jecel
ishayduna qaban karayn
qoraal kuma doogsadee
qurbaha iga dhoofiyoow
qamuunyadu waa dartaa

qaraarkuna waa halkaa
inaan anna soo qabtoo
qormeeyo rugtaan haboon
nolosha kula qaybsanlaa

habeenkii waan qarwaa
qandoodaa maalintii
inaga oo qoysa ahoo
isqaabilaybaan arkaa,
naftana ku qaboojiyaa
intaan laba qaaradood
midkeenba qarsaaran yahay
qamuunyadu waa halkii
qabyana way daadsan tahay

qaraarkuna waa halkaa
inaan anna soo qabtoo
qormeeyo rugtaan haboon
nolosha kula qaybsanlaa

Lyrics by Mohamed Adam

Exit mobile version