Heesta Maanka - Lyrics
muuqa sagalkiyo
dhool mirkii furay
ayaad matashaa
maryahaaguna
maaxda dhaqankiyo
milgo weeyaan
mmaalin daran iyo
malahayada guluf
mitid baad tahay
garta madashana
nin midhkii runa
muujiyaa tahay
magacaaguna
waa mid wayno
marwo weeyaan
dantoo murugtana
nin maareeyoo
maamula tahay
ana maankiyo
maskaxdaydaad
meel ku ;eedahay
ana maankiyo
maskaxdaydaad
meel ku leedahay
muuqa ubaxiyo
manka hawriyo
magool ugaheey
codka malabka leh
ee macaanka leh
meel i xadantee
nin muquunshiyo
maalka bixiyoo
mahdibaa tahay
magac wayniyo
nin meeqaam loo
masulaa tahay
midabkaagana
qof mililiicay
kolay wuu muhan
mininkiisana
nin masruuftoo
maamushaa tahay
ana maankiyo
maskaxdaydaad
meel ku leedhaay