VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Naxriistii dunidaay - Lyrics

nuqul laygu dheehiyo nuskii laygu dhaabiyo nafti laygu dhararshaay nuxurkii kalgacalkiyo naxwihii jacaylkiyo nahdii caashaqaygaay nasabiyo gobaadeey nasri iyo gargaareey nagi iyo dulqaadeey nabad iyo badbaadooy nasiyaay mar nuuraay nalka maanka daaraay nud wadnaha ku taalo lagu nabay dhexdiisay si baan kuugu nugulahoo waad igu dhex nooshahay naskii layguu hiishiyo nimco laygu deeqiyo naxariistii dunidaay nuurkii garaadkiyo neecawdii laabtiyo niyadayda jiiftaay nabad iyo dhul doogaaly nashaad iyo kal deeqaay bili iyo nasiibeey nlo iyo barwaaqooy nasiyay mar nuuraay nalka maaanka daaraay nud wadnaha ku taaloo lagu nabay dhexdiisaay sibaan kuugu nugulahoo waad igu dhex nooshahay
Queue is empty
-- / --